Magaalada Paris ayaa waxaa loo doortay in ay martigeliso tartanka Olympic-da Adduunka ee sanadka 2024, ka gadaal markii ay ku guuleysatay in la siiyo fursadda martigelinta tartankaas.
Los Angeles ayaa dhankeeda loo magacaabay in ay tartanka
qabato 4 sano keddib waqtigaas, waxayna martigelin doontaa 2028-ka sida uu
Guddiga Caalamiga ah ee Olympic-ka International Olympic Committee xushmad
ahaan ugu muujiyay LA.
Labada magaalo ayaa aad isugu garbinayay martigelinta
ciyaaraha 2024, ka hor inta aysan LA Aqbalin in ay iska sugato 4 sano oo dheeri
ah keddib markii IOC ay u ballan qaadday in ay siin doonto tartanka xiga.
Ciyaaraha Paris Games, waxay fashilmeen sanadihii 2008 iyo
2012, waxayna u noqon doontaa 100-sano keddib in ay caasimadda Faransiisku
martigeliso ciyaarahan.
Los Angeles ayaa qabatay laba mar oo kala ahaa 1932 iyo
1984.
Paris iyo Los Angeles ayaa ahaa kaliya labada musharrax ee u
taagan sanadka 2024-ka keddib markii Hamburg, Rome iyo Budapest ay tartanka ka
baxeen.
Guddiga IOC ayaana u codeeyay June cidda qabaneysa
ciyaarahaas 2028 si la mid ah waqtiga ay dhacayaan ee 2024-ka.
Magaalada reer California waxay dooneysay qabashada
ciyaarahan, maaddaama ay u diyaarsaneyd Paris ayaase sheegtay in ay tahay mid
wax walba u dhammeystiranyihiin si ay u qabato ciyaaraha 2024-ka.
IOC madaxweynaheeda Thomas Bach ayaa yiri codadka labada
magaalaba waxay ahaayeen "Kuwo la isku raacay”.
Magaalada Paris oo ku guuleysatay marti gelinta ciyaaraha Olombikada adduunka 2024
Magaalada Paris ayaa waxaa loo doortay in ay martigeliso tartanka Olympic-da Adduunka ee sanadka 2024, ka gadaal markii ay ku guuleysatay in la siiyo fursadda martigelinta tartankaas.