Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Ciyaartooyda XulkaQarankaSoomaaliyeedee Taekwondo –ga oo Guulo KasooHooyeyTartanka Taekwondo Ingriiska – UK+Sawirro

0
Tuesday September 26, 2017 - 23:37:05 in Xiriirka Tiyakwonduuga by Nocsom Editor
  • Visits: 1725
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartooyda XulkaQarankaSoomaaliyeedee Taekwondo –ga oo Guulo KasooHooyeyTartanka Taekwondo Ingriiska – UK+Sawirro

    Waxaa 15 bishan September si rasmi ah magaalada Manchester uga furmay tartanka Ciyraaha Taekwondo-ga dalweynaha Britain (British Taekwondo- Championship), waxaana lagu qabtay HSBC –Uk National Cysle Cnetre Stadium ee magaalada Manchester.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa 15 bishan September si rasmi ah magaalada Manchester uga furmay tartanka Ciyraaha Taekwondo-ga dalweynaha Britain (British Taekwondo- Championship), waxaana lagu qabtay HSBC –Uk National Cysle Cnetre Stadium ee magaalada Manchester.

 

Tartanka oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa ku loolamayay kooxaha Taekwondo-ga dalka Ingiriiska, waxaana bilado kasoo hoyay ciyaartoyda qeybaha kae geisan ee xulka qaranka Taekwondo-ga oo u ciyaarayay kooxaha Great Britain, sidoo kale waxay bandhig ciyaaredkooda ku muteysteen abaalmarino gaar ah shahaado sharaf.


 

 

Ciyaartoyda oo ka koobnaa hal Wiil iyo afar Gabdhood ayaa ku tartamay miisaanada kale duwan waxayna kala ahaayeen Munira Cabdiwaaxid (-59Kg), CabdulahiDaahir (-59Kg), Ilhaan Ismaaciil (+59Kg) iyo Najma Daahir (-48Kg) waxayna loolan kadiab u surta gashay in Ilhaan Ismaaciil oo ku tartamaysay ah (+59Kg ay ku guuleysato biladda dahabka, halka Muniira Cabdulwaaxxid oo ku tartamaysay (-59Kg) ay Biladda qalinka ku guuleysatay , sidoo kale C/laahi Daahir oo isna ku tartamayay (-59Kg) uu qalinka guuleystay Najma Dahair oo iyana (-48Kg) ayaa kaalinta afaraad kasoo gashay tartanka.



 

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga isla markaana ah madaxa xirirka Caalamiga ee xiriirkaas Injineer Axmed Ciise Kiriish oo tartanka joogay mudadii uu socday ayaa amaan ballaaran usoo jeeediyay ciyaaryahana wiilasha iyo gabdhaha isugu jira ee tartanka ka qeyb galay.


 

 

 

Inj: Kirish ayaa dhanka kale kulan la qaatay macalinka kooxda St Katherine oo ah kooxda ay ciyaartoyda u ciyaaraan Mr Mark Sargeant iyo waalidiinta ciyaartoyda, waxuuna la wadaagay qorshaha xiiriirka eek u adan horumarinta xirfada ciyaartoyda waxuuna intaa raaciyay in ciyaartoyda loo carbinayo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen ciyaaraha Taekwondoga Addunka 2020 ka dhici doona dalka Japan , basle ay ka hor sare u qaadi doonaan xirfadooda iyagoo u raadin doonaan deeq waxbarasho.


 

Ugu dambayn Guddoomiye ku xigeenka ayaa u mahad celiyay Madaxa Xiriirka Taekwondo-ga Ingiriiska Gary Hall oo gacan weyn horumarinta ciyaartoyda iyo Guddiga Olombika Soomalaiyeed oo laf0dhabar u ah guulaha Xiriirka Taekwondo-ga.


 

Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga ayaa dhaq-dhaqaaq horumarineed ka waday ciyaaraha heerka caalami iyagoo kasoo hoyay bilado wax ku ool in kabadan 10 tartan oo ka dhacay Afrika, Yurub, Asia iyo dalalka carabta.


 

 

Waaxda warfaafinta GOS

info@nocsom.com


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.