Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Xiriirka kubadda Miiska oo 36 garsoore tababar caalami ah Muqdisho ugu soo xeray+Sawirro

0
Monday October 02, 2017 - 22:04:03 in Xiriirka Kubadda Miiska by Nocsom Editor
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka kubadda Miiska oo 36 garsoore tababar caalami ah Muqdisho ugu soo xeray+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa magaalada muqdisho tabababar aqoon kororsi heer caalami ah ugu soo xeray 36 garsoore oo isugu jiray kuwii hore iyo kuwa hada kucusb barashada xirfada garsoorka, waxaana xafladda xeritaanka kasoo qeyb galay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Miiska ayaa magaalada muqdisho tabababar aqoon kororsi heer caalami ah ugu soo xeray 36 garsoore oo isugu jiray kuwii hore iyo kuwa hada kucusb barashada xirfada garsoorka, waxaana xafladda xeritaanka kasoo qeyb galay, Wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga, Guddiga Fulinta Gos, madaxda xiriirada, masuuliyiinta Xiriirka kubada Miiska, qabiirka tababarka bixinayay iyo marti sharaf isugu iiray masuuliyiin iyo ciyaartooy hore.



Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Miiska, Maxamed Xaaji Cali waxuuna sheegay in qabashada koorsadan ay qeyb ka tahay dadaalada uu xiriirka ugu jiro horumarinta kubadda Miiska, waxuuna intaa kudaray in ay xiriirku qorsheynayo tababaro dhanka maamulka iyo macalimiinta iyo inuu dib dhis kusaeemyo garoonkii uu xiriirka horey u lahaa, waxuuna mahad celin usoo jeediyay macalinka reer Masar Maxamed Refaat oo tababarka bixinayay iyo ardayda ka faa’iideysatay oo uu kula dardaarmay in aysan la jiifan cilmigii la baray.



 

 

Khabiirka tababarka bixinayay oo u dhashay dalka Masar Maxamed Refaad Bassyouni oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xiriirka uu diyaariyay Arday da’yar oo aqoontoodu wanaagsantahay si wanaagsan uga faa’iideystay tababarkan.


Bassyouni ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya aad uga wanaagsan tahay sidii ay ahady 2012 oo dalka tababar kuqabtay, isla markaana ay jiraan isbadalo wanaagsan, waxuuna intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu markale kusoo laabto si uu tababaro kale ugu qabto.


Guddoomiye Ku xigeenka GOS Ibraahim Shaamoow oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dadaalka mudada sanadka ka yar iyo holwlaha baaxada leh uu qabtay xiriirka, waxuuna kula dardaarmay in ay halkooda kasii wadaan guddiga Olombikadana uu garab taagan yahay markasta.


Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay oo seminaarka soo xeray Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, waxayna tiri " waxaan bogaadinayaa xiriirka kubada Miiska oo horumar xowli ah ku talaabsanayo, sidoo kale waxaa i farxad gelinaya inaan arko sagaal gabdhood ay koorsadan ka qeyb qaatay taasoo ah arin aan horey u dhici jirin,” Wasaaradeydu waxay ay xooga saari doonto sidii ay door lixaad leh uga qaadan lahady horumarinta isboortiga guud ahaan gaar ahaan kubadda Miiska.”


Gebogebadii waxaa halkaas shaahdooyin lagu gudoonsiiyay 36 garsoore ee aqoonkororsidagn ka qeyb qaatay kuwaa imtixaano laga qaaday ku muteystay.




Waaxda wafaafinta GOS

info@nocsom.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.