Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Tababar Tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Ka Furmay Djibouti +Sawirro

0
Monday October 16, 2017 - 17:38:08 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar Tababarayasha kubadda Gacanta Soomaaliya oo Ka Furmay Djibouti +Sawirro

    Waxaa Magaalada Djibouti si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Gacanta darajada Koowaad ( Hanball Technical Course Level 1, waxaa tababarkan oo ay soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kashanaya Olympic Solidarity waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Djibouti si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Gacanta darajada Koowaad ( Hanball Technical Course Level 1, waxaa tababarkan oo ay soo qaban qaabiyay Guddiga Olombika Somaaliyeed oo kashanaya Olympic Solidarity waxaana tababarkan bixinaya Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka (IHF) waxaana ka qeyb galaya 15 Macalin.


Xafladda Furitaanka oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada Djibouti ,Guddiga Olombikada Soomaaliya , Xiriirada kubadda Cagta iyo Cagta Djabouti , iyo XSKG, waxaana ugu horreyn goobta ka hadlay Guddoomiyaha XSKG ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee GOS Mudane Maxamed Xuurshe Xasan ( Eenoow) waxuuna sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha Horumarinta GOS ay ugu talo gashay Xiriirada kale gedisan ee dalka.



Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka kale tilmaamay in Ujeedka tababarkan uu yahay sidi sare loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiinta kubadda Gacanta dalka si ay usoo saaraan kooxo tayo leh, sida heerarka Iskuulada, Degmooyinka iyo gobollada dalka, waxuuna mahad celin u jeediyay Olympic Solidarity , IOC, IHF iyo dowladda iyo bahda isboortiga Djabouti sida ay markakasta ugu taagan yihiin horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, waxuuna Macalimiinta kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan mudada 10 cihso ah ee uu tabaarkan soconayo.


Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay Dowladda iyo shacabka Djibouti gogosha dhanka kasta ah oo ay Soomaaliya u fidiyeen 27 sano ee lasoo dhaafay gaar ahaan Isboortiga oo la’aanta Djibouti aysan waxbadan u qabsoomi laheyn Isboortiga Soomaaliya.


Macalinka tababarkan Bixinaya oo u dhashay dalka Masar Effat Rashat ayaa dhankiisa sheegay in xiriirka kubadda gacanta Adduunka International Handball Federation ( IHF ) ay ka go’an tahay tayaynta macallinmiinta kubadda Gacanta dunida, isla markaana uu diyaar u yahay inuu si hagar la’aan ah aqoontiisa usoo gaarsiiyo , waxuuna ka qeyb galayaasha kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka.


 

Masuuliyiinta , Safaaradda Soomaaliyeed , Guddiga Olombikada Djabouti, iyo xiriirka kubadda Cagta Djabouti ayaa ammaan usoo jeediyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa sida dardarta ku jirta oo ay ugu taagan yihiin tayaynta iyo sare u qaadida Isboortiga Soomaaliyeed dalka Djboutina uu makasto yahay dalkoodi labaad.


Tababarkan oo ka mid ah Qorshaha Horumarinta GOS ayaa socon doona 10 Cisho waxaana lagu baran doonaa sharcidya iyo xirfadaha kusoo kordhay ciyaarta kubadda Gacanta Addunka.



W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

Djibouti

Email: Info@nocsom.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.