Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Soomaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Kubada Gacanta Adduunka+Sawirro

0
Monday November 13, 2017 - 16:27:29 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Kubada Gacanta Adduunka+Sawirro

    Waxaa maalinti Axadda lagu soo gebagebeeyey Antalya, Turkiga Shirweynihii 36aad ee Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen 176 waddan oo ay Somalia ku jirto, waxaana Xiriirka Kubadda Gacanta Somaliya u matelayey Xoghayaha Guud ee X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalinti Axadda lagu soo gebagebeeyey Antalya, Turkiga Shirweynihii 36aad ee Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen 176 waddan oo ay Somalia ku jirto, waxaana Xiriirka Kubadda Gacanta Somaliya u matelayey Xoghayaha Guud ee Xiriirka Nuur Maye Cusmaan.


 


Sida uu inoo sheegey Xoghayaha Xiriirka waxaa shirweynaha lagu doortey inuu xilka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka 4ta sanno ee soo socota uu hogaamiyo Dr Hassan Mustafa, halka ku xigeen loo doortey Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Faransiiska Joel Delplanqu e (FRANCE)


Xisaabiyaha: Anna Rapp (SWEDEN)

Guddoomiyaha Abaabulka iyo Tartamada: Per Bertelsen (DENMAR)

Guddoomiyaha Shuruucda cayaarta iyo Garsoorka: Ramon Gallego (ESPAIN)

Guddoomiyaha Tababarayaasha: Dietrich Spate (GERMANY)

Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka: Dr Francois Gnamian (Côte d’Ivoire)

Guddoomiyaha Horumarinta: Raquel Pedercini Marinho (CANADA)



 

Nuur Maye Cusmaan wuxuu intaa raaciyey in 5 waddan ay site buuxda ugu soo biireen Xiriir weynaha Kubadda Gacanta Adduunka, kuwaasoo kala ah Jamaica, England, Fiji, Timor-Leste iyo Scotland.

Img Description

 

Xoghayaha Xiriirka Nuur Maye Cusmaan wuxuu kaloo faahfaahin ka bixiyey in Hassan Mustafa aad ugu mahad celiyey kasoo qeyb galayaasha shirka sidii howl karnimada lahayd ee ay ula shaqeeyeen Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka , iyo howlaha baaxadda leh ee horyaala 4ta sanno ee soo socoto. Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha shirka iyo intii aanan fursad u helin inay ka soo qeyb gasho shirka inay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan wixii talo iyo horumarineed kubadda gacanta ah.


 

Xoghaye Nuur Maye Cusmaan intuu joogay shirka wuxuu si gooni gooni ah ula kulmay mas'uuliyiin kala duwan oo ay isla soo qaadeen sidii loo yeelan lahaa wada shaqeyn dhan walba leh, qaabka ugu haboon ee loo horumarin karo cayaarta kubadda gacanta iyo sameynta qorshe horey loogu dhigaayo kubadda Gacanta.


 

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.