Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirka Guddiga Fullinta GOS oo Muqdiso lagu qabtay iyo qodobo muhiim ah oo laga dooday+Sawirro

0
Friday November 24, 2017 - 11:30:05 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Guddiga Fullinta GOS oo Muqdiso lagu qabtay iyo qodobo muhiim ah oo laga dooday+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay Shirkiisa Guddiga ee saddexdii bilba mar la qabto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed GOS ayaa xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku qabtay Shirkiisa Guddiga ee saddexdii bilba mar la qabto.


 

Shirkan uu uu shir guddoominayay Guddoomiyah GOS Mudane Cabdullaahi Axmed tarabi waxaa kasoo qeyb galay Xubnaha Guddiga Fulinta, Guddoomiye Sharafeedka GOS Cabdulqadir Ibraahin Gacan Abkow iyo Xoghayihii ugu horeeyay GOS Maxamed Xuseen Haadi oo lagu marti qaaday.



Ugu horreyn waxaa shirka lagu soo bandhigay waxqabadki GOS ee saddexbil waxaana ka mid ahaa tartanna heer sikuul oo lagu soo xulayay ciyaartooy tayo leh oo ciyaaraha Fudud oo diyaariyo kuwa oo ka dhacay Banaadir Sh. Hoose iyo Sh. Dhexe , Xero gelin loo sameeyay ciyaartoyda ciyaraha Fudud ee tartankaas laga soo xulay iyo kuwa junyarka si loogu diyaariyo ciyaaraha All African Games iyo Olympic Youth Games oo sandka 2018 kaa dhici doona Algeria iyo Aregntina, tababar dhanka macalilmiinta oo loo qabtya macallinka kubadad Gacnata oo dala Djibouti ka dhacay.


Intaa ka dib xubnaha ayaa si hufan uga dooday qoshaha dardarinta horumarinta isboortiga dalka Misaaniyada waxaa talooyin wax ku ool ah halkaas kasoo jeediyay Xoghayihii Hore ee GOS Maxamed Xuseen haadi iyo Guddoomiye Sharafeedka GOS Cabadulqaadir IBraahin Gacal Akbow, waxayna xubnaha isku raaceen in dhammaan tartamada isboortiga Iskuul, Jaammacad, Degmo, Gobol iyo heer Xiriir loogu wada isgtaago horumarinteeda iyo in laga faa’iideeyso ciyaartoyda Soomaaloiyeed ee dalka dibadiisa ku sugan.


Xubnaha ayaa dhanka akel isku raacay la dardar geliyo qabashada shirar leysugu keenayo bahweynaha Isboortiga dal iyo dibad si leesgaa kaashado horumarinta Isboortiga dalka.


Gebagbadii waxaa Shirka ka hadlao sona Xeray Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed tarabi waxuu sheegay in GOS ay xoogga saartay hanaanka maamul wanaagsan waxuuna xusay in shirwaynihii Anocca ee Magaalada Prague ee caasuimaka Cech ka dhacay horaantii bishan November ay Soomaaliya ka mid noqotay saddex dal oo 54 dal ee qaaradda Africa ugu maamul wanaagsan.

Guddoomiyaha ayaaa dhanka kale aad ugu ammaanay xugnaha Guddida fullinta sida ay uga go’an tahay horumarinat Isboortiga dalka iyo sida hufnaanta leh ee ay uga doodeen qodobadii Shirka.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.