Xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga ayaa daaha ka rogay tartanka shataranjiga ee Iskuulada gobolkan Banaadir.
Furitaanka tartankan shataranjiga ee iskuulada gobolkan Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga Axmed cabdi xasan wataac iyo masuuliyiin ka kala socday iskuulada tartanka ka qeyb galaya.
Tartankan oo markii ugu horeysay la qabanayo ayaa waxaa ka qeyb galaya ardayda da’doodu ay ka yartahay 18-ka sano waxaana tartamayaasha loo qeybiyey afar heer oo kala duwan oo kala ah ardayda da’doodu ay ka yartahay 12-ka sano 14-ka sano 16-ka sano iyo 18-ka sano.
Ugu horeyn waxaa furitaanka tartankan shataranjiga ee ka hadlay gudoomiyaha guddiga wabarashada iyo garsoorka ee xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga Cabdalla Cabdalla Cali kaas oo tartankan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo loo baahnaa, waxuuna intaa kudaray in tartanka uu bilow u yahay tartamo ballaaran oo loo qaban doono iskuulada dalka .
Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga Axmed Cabdi xasan wataac oo isna ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay ineey xiriirkiisu guul u tahay qabashada tartanka shataranjiga ee iskuulada gobolkan banaadir oo ay ka qeyb galayaan arday aad u da’yar.
"Ciyaartan waxa ay ka qeyb qaadataa kaabidda maskaxda ubadka , hadafkeenuna waa sidii aan u soo saari laheyn ubad soomaliyeed oo maskax horumarsan leh kaasoo dalkiisa iyo Isboortigiisa horumar gaarsiin kara.” Ayuu yiri Guddoomiye Wataac.
Guddoomiyaha ayaa intaa kadib ballan qaaday in ciyaaryahanki natiijo wanaagsan ka keena tartanka uu fursad u helayo inuu Soomaaliya ku matalo ciyaaraha da’yarta Shatranjiga Qaaradda iyo adduunkaba.
Tartanka oo ka qeyb galayaan 30 Arday oo ka socta 10 iskuul ayaa socon doona mudoo laba maalmood ah waxaana gabagabdiisa abaal marino qiimo badan la gudoonsiin doonaa ardayda soo tiigsata kaalmaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad.
W/D: Xuseen Maxamed Hadafow
Waaxda Warfaafinta GOS
Xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga oo daaha ka rogay tartanka shataranjiga Iskuulada+Sawirro
Xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga ayaa daaha ka rogay tartanka shataranjiga ee Iskuulada gobolkan Banaadir.