Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Horyaalka kubadda Gacanta 2017-18 furmay iyo Dekedda oo guul ku bilowday+Sawirro

0
Saturday December 02, 2017 - 15:37:31 in Xiriirka Kubadda Gacanta by Nocsom Editor
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka kubadda Gacanta 2017-18 furmay iyo Dekedda oo guul ku bilowday+Sawirro

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadad Gacanta ayaa si rasmi ah garoonka Wiish ugu daah furay ahoryaalka kubadda Gacanta Wiilasha 2017-18, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare uga dhacaday garoonak Wiish kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadad Gacanta ayaa si rasmi ah garoonka Wiish ugu daah furay ahoryaalka kubadda Gacanta Wiilasha 2017-18, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare uga dhacaday garoonak Wiish kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Guddiga Olombiakda Soomaaliyeed , madaxda xiriirada, masuuliyiinta xiriirika iyo marti sharaf kale.



Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliyeed Mudane Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow, waxuuan sheegay in sanadkan ay doonayaan tartan ka sameeyay sanidiihi lasoo dhaafay waxuuna ammaan ballaaran usoo jeediyay kooxaha diiwaan gsahaday ciyaartoyda da’yarta ee bandhiga wanaagsan ka sameeyay tartankii degmooyinka gobolka Banaadir, waxuuna kooxaha iyo ciyaartoyda ugu baaqay in ay ciyaar taagerayasha qanacisa oo asluub ku saleysan soo bandhigaan.



Madaxa Ariamah xiriirada iyo Madaxa ariamah gobolka GOS Xaaji Colow, iyo Ibraahin Xuseen Cali Roombe oo goobta ka hadlay aya dhankiisa soo dhaweyay dadaalka uu sanadka sanadka ka dambeeya ku tallaabsanyo xiriirka kubadad Gacanta Soomaaliya, waxayna ciyaartoyda kula dardaarmeen inay soo bandhigaan ciyaar wanaagsan si loogu xusho xulka qaranka kubadad gacanta.


Horyaalka oo ay ka qeyb galayaan lix koox waxaa kulanki furfitaanka isku haleelay kooxda Dekedda oo horyaalka daafacaneysa iyo Fero, waxayna kadib ciyaar wanaagsan oo ay ka maqsuudeen dadweynihi usoo daawasho tagay kusoo idlaatay 39- 23 oo ay guusha ku raacday Naadiga Dekedda.


Kulanka waxa goolasha ugu badan dhaliyey Cabdulqaadir Muuse Cusmaan Nani kaasoo saxiixay 7 gool.


 Kulanka  labaad ee horyaalka waxa Isniinta garoonak Wiish ku yeelan doona kooxaha Heegan iyo Gift Star



 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.