Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiyaha X/S/k/C oo markii 6-aad loo doortay CECAFA

0
Saturday December 02, 2017 - 23:56:06 in Xiriirka Kubadda Cagta by Nocsom Editor
  • Visits: 1466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha X/S/k/C oo markii 6-aad loo doortay CECAFA

    Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa maanta oo sabti ah marki lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada Cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nair

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa maanta oo sabti ah marki lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada Cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Doorashada waxaa ku loolamay 8 murashax oo ka kala socday dalalka ku bohoobay ururka CECAFA, waxaana loo tartamayay 5 boos oo guddiga fulinta ah. Shanta masuul ee ku guuleystay doorashada waxaa ay kala yihiin: Abdiqani Said Arab (Somalia) Wallace karia (Tanzania), Aimable Habimana (Burundi), Ms Doris Petra (Kenya) and juneidi Tilmo (Ethiopia), halka Moses Magogo (Uganda), Kourecha Ali Guedi (Djibouti) iyo Vincent Nzamwita (Rwanda) ay tartanka isaga bexeen markii ay xaqiiqsadeen in laga adkaanayo.



Xubnaha gudiga fulinta ayaa xafiiska joogi doona afarta sano ee soo socota, iyadoo la raacayo dastuurka CECAFA oo dhawaan is badal lagu sameeyay halka markii hore xubnaha guddiga fulinta uu waqtigoodu ahaa laba sanadood oo keliya.


"Is badalka lagu sameeyay dastuurka waxaa si wada jir ah u ogolaaday dhamaan dalalka CECAFA shirkii ka dhacay Khartuum dalka Sudan 30-kii bishii September ee sanadkan”ayuu yiri Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kalana sii haya xilkiisii gudodomiye ku xigeenka CECAFA.


Dhanka kale wasiirada Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa hambalyo u dirtay guddoomiye Cabdiqani Saciid carab guusha uu mar kale dalka Soomaaliya usoo hooyay.


"Anigoo ku hadlaya magaca dowlada Federalka Soomaaliya iyo magaceyga waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta Soomaaliya cabdiqani Saciid Carab dib u doorashadiisa. Tani waxay Soomaalida oo dhan u tahay waqti kale oo guul xambaarsan”ayay qoraal ay soo saartay ku sheegtay Marwo khadiija Maxamed Diiriye maanta.


"Soomaaliya horay ayay u socotaa, dibna u laaban meyno. Dalku wuxuu kasoo kabsanayaa nidaam darro muddo dheer jirtay. Ka wasiir ahaan waxaan cadeynayaa in wasaarada ay ka go’antahay in si buuxda aan u horumarino Isboortiga dalka, mar aan dheereyna Soomaaliya si dhab ah ayay usoo wada kabsan doontaa”ayay hadalkeeda sii daba dhigtay waasiirada dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.