Horyaalka waxaa ka qeyb galaya sagaal naadi oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira, waxeyna ku tartamayaan orodka qeybahiisa kale gedisan iyo boodada hoose, waxaana mudada uu horyaalka socdo lagu loolami doonaa orodka 100, 200, 400, 800, 1500, 5,000 iyo 10,000 ee mitir.
Horyaalka ayaa
sanadkan aad uga xiiso badnaan doona horyaaladi
ka horeeyay waxaana loolan adag uu dhex mari doonaa ciyaaryahanada oo diyaar garow badan usoo galay horyaalka
kuwaa oo beegsanaya in ay saacad wanaagsan sameeyan.
Maalinta koowaad ee
tartanka waxaa lagu loolami doonaa orodka 100m oo isreebreb ah Wiial, 200m oo Final ah Gabdhaha iyo 1500m oo fiinaal ah dhanka Wiilasha , basle waxaa inta ka horeyn doona munaasabda furitaanka oo ay kasoo qeyb gali
doonaan dhamaan ciyaartoyda iyo masuuyiin Isboorti.
Sanadki hore waxaa horyaalka ciyaaraha fudu Wiilal
iyo Gabdho dhibcaha guud ku guuleystay naadiga Heegan.
Horyaalka 34 ee ciyaaraha Fudud oo maanta Furmaya ogow dhacdooyinka lagu tartami doono
Horyaalka waxaa ka qeyb galaya sagaal naadi oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira, waxeyna ku tartamayaan orodka qeybahiisa kale gedisan iyo boodada hoose, waxaana mudada uu horyaalka socdo lagu loolami doonaa orodka 100, 200, 400, 800, 1500, 5,000 iyo 10,