Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

XIriirka kubadda Kolayga oo soo gebogabeeyay koobka Jeneraal Daa'uud iyo Dekedda oo hanatay +Sawirro

0
Wednesday April 11, 2018 - 13:42:43 in Xiriirka Kubadda Kolayga by Nocsom Editor
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    XIriirka kubadda Kolayga oo soo gebogabeeyay koobka Jeneraal Daa'uud iyo Dekedda oo hanatay +Sawirro

    Naadiga kubada Koleyga Dekedda ayaa ku guuleysatay koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa'uud kadib markii ay waqtiga dgeeriga garaacday Naadiga Horseed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga kubada Koleyga Dekedda ayaa ku guuleysatay koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa'uud kadib markii ay waqtiga dgeeriga garaacday Naadiga Horseed.

 

Koobkan oo ah koobka labaad ee uu xiriirka qabto waxuu soo bilowday 23 March 2018, waxaana kaqeyb galay 8 koox oo laba qeyb loo qeybiyay waxaana fiinaalka isugu soo haray kooxaha Horseed iyo Dekedda.


Kulankan fiinaalka oo ay dadweyne badan usoo daasho tageen waxay labada koox soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqay waxaana waqtigii loogu talo ee afarta qeyb ka koobna a ciyaarta ay kusoo idlaatay barbaro 60-60, waxaana Horseed oo dabaal dagga hanashada koob isu diyaarineysa tuurashada dheer ee saddexda dhibcood ku barbareeyay Laacibka no-7 ee naadiga Dekedda Cabdulqaadir Muuse Cusmaan ( Naani)



5 daqiiqo oo dheei ah oo lagu daray ayeey markale isku garabdhaceen waxeyna ciyaartu noqotay 67-67, waxaana mar kale loo baahday 5 daqiiqo oo kale sida sharcigu qabo maadaama aysan ciyaarta kubadda Kolayga barbaro lahayn, waxaanamarkan gacanta sare heshay naadiga Dekedda oo latimid 77 dhibcood halka ay Horseed keensatay 71, waxaana sidaas tartanka ugu guuleystay naadiga Dekedda.


Xiddiga No-7 Cabdulqaadir Muuse Cusmaan Naani ayaa dhaliyey dhibcihii ugu badnaa kulank waxuuna kolayga ku hubsaday 31 dhibcood.


Waa koobki u horeeyay oo ay Dekedda ku guuleysato tan 2012 oo ay horyaalka qaaday.


Guddoonka Xiriirka ayaa tilmaamay in xaflad gaar ah loo qaban doono munaasabda koob bixinta sidookalena lagu bixin doono abaalmarinada kaleee tartanka.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.