Xulkaqaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada wayn ayaa shalay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika (Africa Zone 5 International Handball Federation (IHF) Challenge Trophy 2018.
Xulka Somaliaqaybta 20-jirada waxaa ku wehliya Wadamada
Kenya, Burundi,Uganda, Sudan, Tanzania , Ethiopia iyo Rwanda , Halka Da’yarta
ay kasoo ka qayb galayaan dalalka, Somalia, Ethiopia, Kenya, Tanzania,Uganda ,
Sudan iyo Burundi.
Xulka 20-jirada waxaa Group- B kula jira Wadamada Burundi, Uganda
iyo Rwanda, waxayna kulanka koowaad 14 May la ciyaari doonaan dalka Burundi.
Xulka 18-jirada Soomaaliya ayaa dhankooda waxay isku Group
yihiin dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, waxayna kulankooda koowaad la
ciyaari doonaan wadanka Kenya waxuuna dhici dici doona isla 14-ka May.
Tartankan oo ay wadamada soonka Shannaad ( Zone 5 ) ee
geeska Afrika ku loolamayaanwaxuu wadankii ku guulaystakulan fiinaal ah la
qaadan doonaa dalkii soo hantiya koobka wadamada Maqribka, waxaana dalkii
adkaada uu ka qayb gali doona ciyaaraha kubadda Gacanta Adduunka.
Ciyaartoyda Xulka qaranka ayaa diyar garow ku jiray saddaxdi
bil ee lasoo dhaafay waxaana gacan taageero buuxdo oo dhanka kasta ka caawina
yay Bankiga PremierBank oo ah Bangi markasta ka qayb qaata horumarinta
isboortiga dalka.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com
Xulka Kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada oo ka qayb galaya ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, ogoow Groupka ay ku jiraan iyo xilliga ay ciyaari doonaan+Sawirro
Xulkaqaranka kubadda Gacanta Soomaaliya 20-jirada iyo 18-jirada wayn ayaa shalay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyagoo kusii jeeda dalka Uganda oo ay uga qayb gali doonaan ciyaaraha kubadda Gacanta Wadamada bariga iyo bartmaha Afrika