Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

GOS oo soo gebogabaysay Tartanka da'yarta Muqdisho 2018+Sawirro

0
Saturday September 08, 2018 - 16:54:31 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 2125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOS oo soo gebogabaysay Tartanka da'yarta Muqdisho 2018+Sawirro

    Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho kusoo gebogabeeyay da'yarta ee Muqdiso (Mogadishu Youth Games 2018.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho kusoo gebogabeeyay da'yarta ee Muqdiso (Mogadishu Youth Games 2018.



Tartankan oo lagu tartamayay nuucyada kale duwan ee isboortiga sid, Ciyaaraha Fudud, Kubadda cagta, Kubadda Kolayga, Kubadda Gacanta, Kubadda Laliska iyo Kubadda Miiska ayaa soo bilwoday20 August waxaana ku tartamayay Iskuulada kale duwan ee magaalada Muqdisho.



Ciyaartoyda tartanka ka qayb gashay oo ka socotay iskuulada kale duwan ayaa soo bandhigay ciyaaro aad loogu bogay waxaanakasoo dhex muuqday ciyaartoy musatqbal ku leh ciyaaraha qaybahooda kale duwan.


Qaybta Orodka oo ahayd tan ugu ballaaran waxaa ka qayb qaatayin ka abdan kun ciyaartoyd oo ka socday iskuulada dugsida hoose, dhexe iyo Sare, waxaana ugu dambayn laga xulay 30 ciyaartooy oo kaalmaha hore ku dhamaystaty kuwaa oo ku biiri doona naadiyadaha Xiriirka ciyaaraha Fudud ee dalka.


Halkan ka aqriso Iskuulada tartamada kale ku kala guulaystay:



Kubadda cagta waxaa ku guulaystay Iskuulka Hanti wadaag oorigoorayaal kaga qaaday Iskuulka Godey.


Kubadda Kolayga waxaa ku guulaystay Iskuul Cabdicasii,


Kubadda Gacanta waxaa ku guulaysyay Dugsiga Banaadir Zone



Kubadda Laliska waxaa ku guulaystay Iskuul Cadow Taleex



Kubadda Miiska waxaa ku guulaystay Iskuulka Hanti Wadaag



Inta uu tartanka socday waxaa inta badan soo xaadirayay dhalin yaro indho-ndheeyayaal u ah naadiyada kale duwan ee isboortiga kuwaa qiimayn ku samaynayay xiddigaha mustaqbalka leh ee tartanka ka qayb galayay, sidoo kale waxaa tartanka door muhiim ah ka qaaday dhallinyaro mutadawaciin ah ( valuenteers) ookuwaas oo ay GOS ka caawiyay qaban qaabada tartamada isboortiga.

Tartanka oo aan nuuciisa oo kale horay loo qaban ayaasoo bilowday 20 august waxuuna soo idlaaday 7 Augus waxayna GOS ugu talo gashay in ay ku baadigoobto xiddigaha tayada leh ee ku dhex jira Ardayda da’da yar ee heerka waxbarashada aasaasiga ku jira Waxuuna tartankan noqon doona mid joogto ah sida uu furitaanka tartanka u ballan qaaday Guddoomiyaha GOS mudane Cabdullaahi Axmed tarabi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.