Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddiga Fulinta GOS oo shirkii afaraad ee Sanadka Muqdisho ku yeeshay+Sawirro

0
Friday November 02, 2018 - 13:29:46 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Fulinta GOS oo shirkii afaraad ee Sanadka Muqdisho ku yeeshay+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaaladamuqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta kaasoo ahaa kii afaraad ugna dambeyay sanadkan 2018, waxaana kasoo qayb galay Xubnaha Guddiga Fullinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaaladamuqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta kaasoo ahaa kii afaraad ugna dambeyay sanadkan 2018, waxaana kasoo qayb galay Xubnaha Guddiga Fullinta.

Shirkan uu shirguddoominayay Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay GOS saddaxdi bil ee lasoo dhaafay waxaana Xubanaha guddiga Fullinta u qaadaa dhigay Agaasimaha GOS Cali Axmed Maxamuud (Kuukaaky), 


Waxaana waxqabadkii lasoo bandhigay ka mid ahaa, tartamada Heerka caalami ee ay Soomaaliya ka qayb gashay sida, Ciyaaraha da’yarta Olombikada Adduunka, ciyaaraha da’yarta Qaaradda Afrika, oo ay Soomaaliya uga qayb gashay Ciyaaraha Fudud iyo Taekwondo-ga oo ay biladdaMaarta kuusoo guulaysteen Xulka Taekwondo-ga Soomaaliyeed iyo Ciyaaraha Fudud oo saacad wanaagsan ay sameeyeen ciyaartodi ka qayb gashay, Ciyaartoyda.



 xulka qaranka Ciyaaraha Fudud o omuddo sanad ah ku xeraysnaa xero dalka gudahiisa oo loo wareejiyay xero dalka Kenya ku taal oo ay ciyaaratoyda caalamiga ee dalalka caalamka tababar heerkiisu sareeyo ku qaataan iyo tartanka da’yarta Muqdisho oo ay o marki u horayasay la qabtay iyado ay ka qayb galeen ciyaartoyda heer iskuul ah oo ku tartamayay 6 dhacdo oo isboorti ah kuwaas oo natiijo wanaagsan kusoo dhamaaday lana abaalmariyayciyaartoyda iyo Iskuulada kaalmaha hore ku dhamaystay, koorsooyin xaggaaqoonta loo qabtay maamulada Xiriirada iyo Ururada, Iskuulada iyo dhallinyarada mutadawaciinta.



Intaa Kadib xubnaha Gudiga Fulinta ayaa si hufan uga dooday qodobo xagga sharciga u badan si horumar wanaagsan looga sameeyo iyo dhamaystirka qorshaha sanadka ka haray.



Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo gebogabadii shirkaka hadlay ayaa tilaamay in saddaxxbil ee lasoo dhaafay iyo guud ahaan sanadkan tallaabooyin wanaagsan loo qaaday xagga guulaha horumar in loo riyaaqo mudane laga sameeyay dhinacyo badan, waxuuna xubnahaguddiga Fulinta ka dalbadayin la joogteeyo guulaha la gaaray , lana tiigsado sidii heer kasii wanaagsan loo gaari lahaa mustabqalka dhaw.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.