Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Shirweynaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo muqdisho lagu qabtay+Sawirro

0
Thursday March 07, 2019 - 21:58:54 in Wararka Gudaha by Nocsom Editor
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo muqdisho lagu qabtay+Sawirro

    Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shiwaynaha Sanadklaha kaasoo ay kasoo qayb galeen Xubnaha Guddiga fullinta, masuuliyiinta Xiriirada iyo Ururada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shiwaynaha Sanadklaha kaasoo ay kasoo qayb galeen Xubnaha Guddiga fullinta, masuuliyiinta Xiriirada iyo Ururada.

Shikran oo uu shir Guddoomiyanayay Guddoomiyaha GOS Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, waxaa lagu soo bandhigay wax qabadka GOS ee sanadki tagay iyo qorshe howleedka sanadkan 2019, waxaan si gaar ah loo xusay guulihii ay sanadki hore GOS ku tallaabsatay, sida qabashada tababaro dhanka aqoonta maamulkaIsboortiga p loo qabtayXiriirada, ururada iyo mutadawaciinta, ka qayb galka ciyaaraha Caalamigaee ka dhacay Argentina( Olympic Youth games, iyo Algeria( African youth Games oo ay Soomaaliya Biladda maarta kasoo heshay cayaaraha Taekwondo-ga, qabashadatartamo loogu talogalay baadigoobka da’yar tayadoodu sarayso oo mustaqbal ku yeesha Cayaaraha qaybahodoa kale duwan iyo diyaarinta cayaartoyda cayaaraha Fudud ee heer qaran oo dalka dibadiisa tababar loogu qaaday kadib muddo sanad ah oo dalka gudahiisa xero tababar dhamaystiran ah ku jireen. 

Dhanka kale Cabdiraxmaan Daauud oo ka socdayhay’ada hanta Dhowrka Baker Telly Mirales oo tan iyo 2015 Hanti Dhowrka GOS ahayd ayaa shirwaynaha ka sheegay in mudada afarta sano ee lasoo dhaafay ay GOS waxqabadmuuqda ka samaysay hanaanka maamul wanaagga iyo daah furnaanta tasoo oo ay amaan kaga heshay Guddiga Olombikada Adduunka( International Olymic Committee ) isla markaana ay tallaabadan wadamo badan oo qaaradda Africa kaga hormartay, waxuuna intaa raaciyay iyo xiriirada heer qaran ay ka caawin doonaan hanaanka maamulka wanaagga iyo daah furnaanta taasoo ay qayb ka ah qorshaha GOS ee horumarinta xiriirada  iyo ururada isboorti ee dalka.



Xubnaha Shirwaynaha ayaa dood iyo falan qayn dheer kadib ansaxiyay qorsha howleedka iyo miisaaniyada 2019 kaasoo horay usoo maray shirka guddiga Fulinta.


Guddooomiyaha GOS mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirka soo xeray ayaa tilmaamay in sanadki tagay ay GOS iyo Xiriiradiisa ay guulo lagu faani karo ku tallaabsadeen, sanadkana ay mudnaan gaar ah u leeyahay maadaama ay jiraan tartamo ay rajo wanaagsan ka leeyihiin in ay lagu helo ciyaartoy saacad wanaasgan sameeyay ciyaaraha All African games si Soomaaliyay u heso cayaartoy badan oo kaga qayb galay cayaaraha olombikada Adduunka ee magaalada Tokyo ee dalka Japan ka dhici doona 2020-ka.


Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tilmaaamay in ay GOS xoojin doonto tartamada da’yartaoo heel Iskuul u badnaan doona si ay usoo baxaan cayaarto wanaagsan, isla markaana ay qorsheynayaan in dhaqdhaqaaqyo Horumarineed ka sameeyaan gobolada oo dhan tartan iyo dhan tababar isugu jira,waxuuna xubnaha Shirwaynahakula dardaarmay in lagu daadaali ka miro dhallinta ahdaaafka Horumarineed ee Isboortiga dalka.


 

Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.