Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Guddoomiyaha GOS oo u hambalyeeyey XSKC

0
Saturday April 10, 2010 - 22:57:19 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 1934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha GOS oo u hambalyeeyey XSKC

    Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray xulka kubadda cagta oo guul weyn ka soo hoyay ciyaar ka tirsan isreebreebka CAF U17 oo ka dhacay dalka Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray xulka kubadda cagta oo guul weyn ka soo hoyay ciyaar ka tirsan isreebreebka CAF U17 oo ka dhacay dalka Jabuuti. Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dhamaan shaacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga  wuxuu ammaan u soo jeediyay xiriirka kubadda cagta iyo ciyaartoyda xulka Qaranka  sida wacan ee ay u muujiyeen  kartida iyo ciyaar wanaagga . "Guushan runtii aad ayay ii farxadgelisay 3-1 in xulka Somalia uga badiyaan dhiggooda dalka Kenya waan la qeybsanayaa caawa farxaddan xiriirka Kubadda cagta, ciyaartoyda ,macalimiinta iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee jecel horumarka isboortiga Soomaaliya" sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha GOS Mudane Wiish. "Waxay qeyb ka tahay dadaalada GOS  ay ku dhiirigelinayso isbedelo cusub oo dhinaca horumarka isboortiga loo qaado, hadda ka dib waa inaan ku fekirnaa guul inaan kala soo laabano fagaarayaasha caalamka" ayuu raaciyay Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] . Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ku booriyay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan in ay taageero baaxad leh u fidiyaan xulkooda si ay mar walba ugu dhiiradaan in ay guul ku talaabsadaan. Ma`aha markii ugu horeysay  ee Hambalyo warbaahinta loo soo mariyo xulka kubadda cagta, balse waxay tani muujinaysaa isbedelka  hogaanka GOS uu haatan ku doonayo inay kor u kacdo sumcadda isboortiga  Soomaaliyeed. Xafiiska Warbahinta ee GOS


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.