Last update: Friday, March 27 2020 - 13:33:31
Nocom Facebook pageFacebook | Nocom Twitter pageTwitter | Nala Xiriir | Profile | E-mail-ka aqriso | English |
Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Bogga Hore
Doorashooyinka
Profile Xulka Wararka Albumka Sawirada Barnaamijyo Maqal ah Maqal iyo Muuqaal Dalka Soomaaliya Nala Xiriir
Bogagga Ciyaaraha
Barnaamijyo Maqal ah
No image Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadaee
Kala soco GOS baraha



Nocsom website

Maalinta Olimbikada oo Laga Xusay Soomaaliya

0
Friday June 25, 2010 - 15:48:21 in Wararka Gudaha by Super Admin
  • Visits: 2123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Olimbikada oo Laga Xusay Soomaaliya

    Munaasabadda Maalinta Olambikada Adduunka (Olympic Day) ayaa waxaa si weyn looga xusay dalka Soomaaliya , garoonka Olympic Fitness Center ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay tartamo isboorti oo kala duwan kaasoo lagu weynaynayo munaasabadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda Maalinta Olambikada Adduunka (Olympic Day) ayaa waxaa si weyn looga xusay dalka Soomaaliya , garoonka Olympic Fitness Center ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay tartamo isboorti oo kala duwan kaasoo lagu weynaynayo munaasabadda 23-ka June oo ku astaysan maalinta Olambikada Adduunka Munaasabadda iyo Tartamadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas`uuliyiin ka socda wasaaradda isboortiga iyo Guddiga Olambikada Soomaaliyeed iyo dadaweyne aad u fara badan  waxaana lagu daawaday  ciyaaro isugu jira Orodo, Teakwando,Kubadda Laliska. Iyo Xarig Jiidka . Mas`uuliyiinta G.O.S ayaa waxay  xiriirada iyo Hay`adaha ka qeybqaatay munaasabadan maalinta Caalamiga ee 23-ka June (Olympic Day 2010) ku guddoonsiiyeen Shahaado Sharaf, waxana hadalo ku aadan qiimaha munaasadan iyo sida ay uga qeybqaadatay sanadkaan G.O.S ka soo jeediyay  Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed wuxuu   tilmaameen  in munaasabadan awgeed ay la qeybsanayaan asaagood  Olambikada Caalamka. "Guddiga Olambikada  Caalamka iyo Guddiga Olambikada   Soomaliyeed waxaa farxad weyn u ah munaasabadda Olambikada  Adduunka, waa maalin nagu weyn hadaynu nahay bahda Isboortiga" ayuu yiri Guddoomiyaha GOS Md. Wiish oo raaciyay inay ku soo dhaweeyeen munaasabadan tartamo kala duwan . waxaan u mahadcelinayaa xiriiradii ka qeybqaatay munaasabadan. Munaasabadda Olambikada  Adduunka  (Olympic Day ) oo sanad walba 23-ka June  laga xuso dalalka Caalamka  ayaa waxaa sanadkan uu yahay sanadkii labaad ee lagu soo koobay Olympic Day iyadoo hore loo oran jiray (Olympic Day Run),  guud ahaan munaasabaddan ayaa waxaa caasimadda  Soomaaliya  ee Muqdisho looga xusay si  weyn  waxaana goob joog ka ahaa munaasabadan mas`uuliyiinta G.O.S ee  kala ah Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish),Guddoomiye kuxigeenada Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), Madaxda xiriirada  Prof: Maxamed  Cali Caddoow , Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Maxamed  Axmed Coloow (Xaaji Coloow),  Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo),Ku simaah Guddoomiyaha XSCF Khadiijo Daahir, Agaasimaha guud wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga    Saacid  Maxamed Xasan{Baariyoow} madaxda Olambikada Gobolka Banaadir,  marti sharaf iyo dad magac ku leh isboortiga Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


 
© Xuquuqda website-kan waxa ay u gaar tahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed 2005 - 2024     -     Website-kan waxaa dhistay: Shirkadda Ileys Inc.